Soomaaliya

Mareykanka oo hakiyay dhammaan barnaamijyadii gargaarka ee dowladda Soomaaliya

MUQDISHO () – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay dhammaan barnaamijyadii gargaarka ee ay ka faa’iideeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo sabab looga dhigay musuq-maasuq iyo wax ay ku tilmaantay dhaqanno aan la aqbali karin oo ay ku kacaan maamulada ka jira Muqdisho.

Bayaan ay soo saartay Arbacadii, ayay Washington ku eedaysay dowladda federaalka Soomaaliya inay “burburisay bakhaar ay leedahay hay’adda cunnada Adduunka ee WFP oo uu Maraykanku maalgeliyo, isla markaana ay si sharci-darro ah u qabsatay 76 metrik ton oo cunto gargaar ah oo ay deeq-bixiyeyaashu maal-galiyeen oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan.

“Maamulka Trump wuxuu leeyahay siyaasad aan loo dulqaadan karin oo qashinka, xatooyada, iyo weecinta gargaarka naf-badbaadinta,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Mareykanka ayaa intaa ku dartay in barnaamijyadii gargaarka ee la hakiyay aan dib loo soo celin doonin haddii aysan maamulka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qaadin tillaabooyin lagu xaqiijinayo isla xisaabtanka waxa ay ugu yeertay “falalka aan la aqbali karin” oo ay fulinayaan tallaabooyin sax ah oo ku habboon.

Go’aankan ayaa muujinaya dib u dhacii ugu dambeeyay ee xiriirka labada dowladood. Waxay ku soo beegantay hal maalin uun ka dib markii Mareykanka uu xaqiijiyay in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cismaan – oo hadda ah madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay – uu xiriir la leeyahay shirkad caafimaad oo fadhigeedu yahay Mareykanka, taasoo horay loogu xukumay musuqmaasuq Medicaid.

Tillaabadii ugu dambeysay waxay dhabar jab kale oo weyn ku tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo hoosta ka xariiqday welwelka sii kordhaya ee Mareykanku ka qabo dowladnimada, isla xisaabtanka iyo habka loo maareeyo kaalmada caalamiga ah ee dalka Geeska Afrika.

Related Articles

U dhaaf Halcelis

Negelka emaylkaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *