Soomaaliya
Somaliland oo cambaaraysay hadalkii ka soo yeedhay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ee faragelinta milateri ee Sucuudiga

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Axad ah cambaareeyey baaq ka soo yeeray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ku booriyay dowladda Sacuudiga inay faragelin milateri ku sameyso gobolka gooni u goosadka ah, iyadoo tallaabadan ay la mid tahay ololaha Boqortooyada Sacuudiga ay ka wado dalka Yemen ee ka dhanka ah xoogaga gooni u goosadka ee uu hoggaamiyo Ceydar Al Zoubaidi.




