Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya

MUQDISHO Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa maanta oo Axad ah weerar ku qaaday afar saldhig oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo sheegay inay burburiyeen gaadiid dagaal iyo hub, halka dowladdu ay sheegtay in ciidamada ay iska caabiyeen.
Kooxda ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay cagta mariyeen fariisimo ay ciidamada Soomaaliya ku lahaayeen deegaanada Jabad-Godane, Ruun-Sheekhoow, Shaasqaad iyo Burka-Kaah oo ku yaalla duleedka degmada xeebta ah ee Warsheekh, oo qiyaastii labo saac u jirta dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro ay ku sheegtay in ay muujinayaan afar ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay qabsadeen oo saddex ka mid ah ay ku rakiban yihiin qoryaha lidka diyaaradaha iyo sidoo kale meydadka askar iyo diyaarad yar oo wax ilaalo ah.
War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayay ku sheegtay in ciidamadeedu ay iska caabiyeen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaala deegaanka Jabad-Godane, isla markaana ay bilaabeen howlgalo sifeyn ah oo looga hortagayo in maleeshiyaadka ku harsan deegaankaas ay ku dhuumaaleysanayaan.
Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinac. Weeraradan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Nagala soo xidhiidh: inf@somaliguardian.com




