Soomaaliya ayaa baareysa wararka sheegaya in hoggaamiyaha gooni u goosadka Yemen uu ku sii gudbayo Muqdisho

MUQDISHO Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah inay baarayso wararka sheegaya in Hoggaamiyaha gooni u goosadka Yemen ee ay taageerto Imaaraadku, Aidarous Al Zobayidi, uu ku soo gudbay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, xilli uu ka soo duulay Yemen kuna socday Imaaraadka Carabta.
War qoraal ah oo ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in ay si dhab ah u qaadanayso eedeymaha loo soo jeediyay, ayna bilaabeen baaritaanno ay la kaashanayaan hay’adaha kale ee dowladda.
“Hay’addu, iyadoo la kaashanaysa mas’uuliyiinta qaranka ee ay khusayso, waxay billowday baaritaan deg-deg ah si loo xaqiijiyo sax ahaanshaha warbixinnadan iyo in la go’aamiyo haddii ay dhaceen wax jebinta sharciga Soomaaliya, habraacyada la dejiyay, hab-maamuuska oggolaanshaha,” ayaa lagu yiri bayaanka.
NICA waxay ka digtay in xadgudub kasta oo la xaqiijiyo loola dhaqmi doono sidii arrin culus.
“Haddii la xaqiijiyo, falalka noocaan oo kale ah waxay noqonayaan xad-gudub weyn oo ka dhan ah madax-bannaanida qaranka Soomaaliya iyo xeerarka socdaalka, fududaynta kuwa baxsadka ah ama fulinta hawlgallada hal dhinac ah ee geyiga Soomaaliya iyada oo aan loo haysan oggolaansho sharci ah waa wax aan la aqbali karin.”
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay taageereyso dadaalka Sacuudiga uu ugu jiro dhexdhexaadinta wada-hadallada lagu doonayo in lagu xalliyo dhibaatada daba dheeraatay ee Yemen, iyadoo ka digtay in isku day kasta oo Aidarous Al Zobayidi uu kaga baxsado hannaanka ay wax u dhimi karto hindisayaasha dublamaasiyadeed ee socda.
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si cad oo joogto ah u taageertay baaqa Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee wada-hadallada ka dhacaya Riyadh oo ah hannaanka siyaasadeed ee ku habboon ee wax looga qabanayo xaaladda Yemen.
Dawladdu waxay sheegtay in, haddii baadhistu ay xaqiijiso warbixinnada, ay dhacdadu noqon doonto xad-gudub ku ah hannaanka laba geesoodka ah ee lagu dabaqi karo. Ma aysan cayimin dalka ay qabanqaabadaas ku lug leedahay balse waxay sheegtay in tillaabooyin ku habboon la qaadi doono.




