Imaaraatka Carabta ayaa la baxay hantidii ciidamada kadib markii Soomaaliya ay mamnuucday diyaaradahooda

MUQDISHO (Somalia) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa billaabay inay kala baxdo saanad milateri iyo ciidankeeda ku sugan Soomaaliya, iyadoo fulinaysa amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya. iyadoo laga mamnuucay diyaaradaha militariga iyo kuwa xamuulka ee Imaaraadka inay isticmaalaan hawada dalkaShabakadda wararka ee Caasimada Online ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay.
Dhowr diyaaradood oo kuwa xamuulka qaada ah oo Imaaraatka laga leeyahay ayaa horay uga ambabaxay Soomaaliya kuna sii jeeday Imaaraadka, kuwaas oo ka duulay Muqdisho iyo dekedda Boosaaso tan iyo markii xayiraadda ay warbaahintu sheegtay Khamiistii.
Go’aankan ayaa daba socday markii ay soo baxeen warar sheegaya in Imaaraatka Carabta ay gacan ka geysteen si qarsoodi ah baxsadka hogaamiyaha gooni u goosadka koonfurta YemenAidarous Al-Zobayidi, isagoo si qarsoodi ah uga soo duuliyay Muqdisho kuna sii jeeday Abu Dhabi isagoo raacay diyaarad milateri. Al-Zobayidi ayaa lagu waday in uu ka qeyb galo wadahadalo uu Sacuudigu marti galiyay oo looga hadlayay xasaradaha Yemen.
Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu dooni ka raacay dekedda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland, ka hor inta aan loo duulin magaalada Muqdisho, isagoo markii dambe u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta.
Soomaaliya ayaa Khamiistii sheegtay in ay fureen baaritaan eedeymaha loo jeediyay oo uu uga digay inay qaadi doonto tillaabooyinka ku habboon haddii ay warbixinadu noqdaan kuwo sax ah. Dowladda ayaa sheegtay in aan la aqbali karin in qof baxsad ah si qarsoodi ah loogu soo qaado garoomada iyo hawada Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay si rasmi ah u ogeysiisay dowladda Imaaraatka Carabta xayiraadaasi, iyadoo amar ku bixisay in gabi ahaanba la joojiyo isticmaalka hawada Soomaaliya ee arrimo ciidan.
Afar diyaaradood oo kuwa xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ka dhoofaan magaalada Muqdisho, iyadoo lix duullimaad oo kalena ay ka duuli doonaan magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland. Imaaraatka Carabta ayaa in muddo ah lagu eedeyay in Bosaaso ay ka dhigtaan xarun ay ku soo daabulaan hub iyo calooshood u shaqeystayaal si ay u taageeraan ciidamada sida degdega ah u taageera Suudaan ee dagaalka kula jira dowladda Suudaan.
Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ayaa todobaadkan gaaray heerkii ugu hooseeyay, iyadoo Muqdisho ay si cad ula safatay Sacuudiga dagaalka uu ka wado Yemen, waxayna taageertay dadaallada lagu doonayo in looga adkaado gooni u goosadka golaha ku meel gaarka ah ee Koofurta.
Xataa ka hor mamnuucida hawada sare. Xidhiidhka u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi ayaa ahaa mid sii xumaanaya. Madaxda Soomaaliya ayaa ka hadlay tuhunka laga qabo in Imaaraadku uu kaalin mug leh ku leeyahay aqoonsiga Israel ee Somaliland, isla markaana ay u ololaynayaan wadamo kale inay ku daydaan, taas oo sii kordhinaysa kalsoonida labada dawladood.




