Soomaaliya

Taliyaha Sirdoonka Itoobiya ayaa wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii ay Muqdisho kala go’een Imaaraadka

MUQDISHO Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Sirdoonka Ethiopia, Ridwaan Xuseen, ayaa wadahadalo albaabadu u xiran yihiin maanta oo Talaado ah la yeeshay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, wax yar kadib markii uu Muqdisho yimid, maalin kadib markii Somalia ay sheegtay inay baabi’isay dhamaan Heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta, sida ay qortay Shabakadda Caasimada Online.

Lama sheegin nuxurka ay ka wadahadleen, balse ilo-wareedyadu waxay sheegeen in wada-hadalladan diiradda lagu saaray xiisadda juqraafiyeed ee Geeska Afrika. Xuseen ayaa sidoo kale gaarsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh warqad ka timid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xuseen ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo taliyaha nabad sugidda Soomaaliya Mahad Salaad oo ay ka wadahadlaan iskaashiga amniga iyo guud ahaan arrimaha gobolka.

Itoobiya ayaa xulafo muhiim ah la ah Imaaraadka, waxayna horay u dooneysay inay dhexdhexaadiso Soomaaliya iyo Abu Dhabi sanadkii 2018, markaasoo Muqdisho oo xilligaasi ka talinayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo loo yaqaanay Farmaajo ay xiriirka u jartay dowladda Khaliijka, kaddib markii lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Ma cadda in Itoobiya ay mar kale raadineyso inay dhexdhexaadiso wada hadal dhexmara Soomaaliya iyo Imaaraadka, iyadoo laga yaabo inay ku timid codsi ka yimid Abu Dhabi. Si kastaba ha ahaatee, imaanshaha mid ka mid ah gacan-yarayaasha aadka ugu dhow ee Ra’iisal Wasaare Abiy uu ku yimid Muqdisho saacado gudahood markii ay Soomaaliya ku dhawaaqday, ayaa waxay sii kordhisay hadal haynta dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya ee ku aaddan doorka Addis Ababa ay ku leedahay khilaafka soo ifbaxay.

Related Articles

U dhaaf Halcelis

Negelka emaylkaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *