Madaxweynaha Puntland oo ku sugan dalka Imaaraatka Carabta si uu wadahadal ula yeesho dowladda Soomaaliya ka dib markii ay burburisay heshiisyadii Abu Dhabi

MUQDISHO (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta dalkaasi. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Abu Dhabi.
Mr Deni ayaa labo maalmood ka hor gaaray Imaaraadka, kaddib booqasho saddex maalmood qaadatay oo uu ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Safarkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka, kaasoo gaaray meeshii ugu hooseysay todobaadkii hore markii dowladda Federaalka ee Muqdisho ay sheegtay inay baabi’isay dhammaan heshiisyadii labada dhinac ay la gashay Abu Dhabi. Talaabadan ayaa ku saabsaneyd iskaashiga dhanka difaaca iyo amniga,iyo heshiisyada horumarinta iyo maamulka ee la xiriira dekedaha oo ay ku jirto dekedda Boosaaso ee Puntland.
Maamulka Puntland ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aankaas, waxayna ku doodeen in dowladda Federaalka aysan awood sharci u lahayn inay baabi’iso heshiisyadaas oo aan lagala tashan dowlad goboleedyada Soomaaliya. Waxa ay sheegeen in go’aankaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin, islamarkaana aysan wax saameyn ah ku laheyn qaban qaabada ka jirta Puntland.
Booqashada Mr Deni ee Imaaraadka ayaa muujineysa khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Puntland, iyo sidoo kale inuu sii xoogeysanayo xiriirka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka qaarkood.




