Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiis dhanka gaashaandhigga ah oo uu dhex maray Imaaraadka Carabta

DOHA (Somalia) – Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah, kaasoo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo xiriirka ciidamada iyo iskaashiga dhanka amniga, maalmo uun kadib markii Muqdisho ay joojisay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta. Heshiisyada lala galay Imaaraatka Carabta ayaa waxaa ka mid ahaa in la iska kaashado amniga iyo difaaca, sidoo kale waxaa ka mid ahaa maamulka dekedda iyo horumarinta.
“Maanta magaalada Dooxa, #Soomaaliya iyo #Qadar waxa ay qalinka ku duugeen heshiis taariikhi ah oo dhanka difaaca ah, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo xiriirka milatari iyo iskaashiga amniga ee labada dal,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo saxiixay heshiiska. “Waxaa naga go’an inaan horumarino tayada Ciidanka Qaranka.”
Heshiiskan ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya ay xiriirka u jartay Imaaraadka kadib markii lagu eedeeyay inay ku xad gudubtay madax banaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed. Kala qeybsanaantaan kadib ayaa Soomaaliya waxa ay taageero ka raadineysaa dowladaha Sacuudiga iyo Qatar si ay u buuxiyaan boosaskii Imaaraadka uu ka baxay oo horey uga qeyb qaatay bixinta mushaaraadka ciidamada amaanka Soomaaliya.




