Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa la wareegay saldhig ay ciidamada Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Kudhaa

MUQDISHO Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab, ayaa maanta oo Arbaco ah la wareegay gacan ku haynta Jaziiradda yar ee Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii ay saaka weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Jubbaland.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana xigay weerar ciidamada lugta ah ay ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin magaalada, kaasoo qiyaastii 100km dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Kismaayo.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in 113 ka tirsan ciidamada Jubbaland ay ku dileen dagaalka, 43 kalena ay kaga dhaawacmeen, 16 kalena ay maxaabiis ahaan u qabteen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ku aadan dhacdadan.

Kooxda ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawiro ay ku muujinayaan saldhigii ciidamada Jubaland ee lagala wareegay, meydadka askar iyo maxaabiis wajiyada laga qariyay.

La wareegitaanka deegaanka Kudhaa ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe ay sii kordhayaan weerarada Al-Shabaab ay la beegsanayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya. Weerar kale oo todobaadkan dhacay, ayaa kooxdu waxa ay ku beegsatay saldhigyo ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin meel u dhow magaalo xeebeedka Warsheekh, oo qiyaastii laba saacadood u jirta waqooyi bari ee caasimadda Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen afar saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada, ayna ka qabsadeen afar baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo kayd hub ah.

Related Articles

U dhaaf Halcelis

Negelka emaylkaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *