Madaxweynaha Somaliland oo magaalada Davos kula kulmay madaxweynaha Israel, wiilka Trump

HARGEYSA () – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa magaalada Davos kula kulmay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo Eric Trump oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka qayb galay shirka dhaqaalaha adduunka ee 2026, sida uu baahiyay Telefishanka qaranka Somaliland Khamiistii.
Warbaahintu waxa ay sheegtay in Guddoomiye Cirro uu sidoo kale wadahadalo la yeeshay ganacsatada kale ee caalamiga ah, kuwaas oo diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi ee Somaliland.
Herzog waxa uu kulankaasi ku xaqiijiyey qoraal uu ku baahiyey bogga X oo uu ku sheegay inuu soo dhawaynayo xidhiidh dublamaasiyadeed oo ay la yeeshaan Somaliland, isla markaana uu rajaynayo wada shaqayn dhow oo labada dhinacba faa’iido u leh.
Kulankan ayaa daba socday maalmihii la soo dhaafay hadal hayn ku saabsan halka uu Cirro ku sugan yahay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu safar dibadda ah u baxay, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin halka uu ku wajahan yahay. Cirro Arbacadii waxa uu baraha bulshada soo dhigay laba sawir oo mid ka mid ah muujinayay isaga oo saaran diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee VIP-da, mid kalena waxa uu muujinayaa isaga oo isla diyaarada dhinac taagan, taas oo ay dad badan oo wax indha indheeya ay sheegeen in uu ku sugan yahay dalka Switzerland.
Israa’iil waxay aqoonsatay Somaliland bishii hore, tallaabadaas oo ay kasoo horjeesteen qaar badan oo kamid ah beesha caalamka iyo sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya. Muqdisho waxa ay sheegtay in go’aankaasi uu ka hor imanayo qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana uu halis gelinayo colaad hor leh oo ka dhacda Geeska Afrika, waxaanay intaas ku dartay in aanay waxba ka beddeli doonin waxa ay ku tilmaantay xaqiiqada ah in Somaliland weli ka tirsan tahay dhulka Soomaaliya.




