Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii loo hor istaagi lahaa isbedel cusub oo lagu sameeyo dastuurka KMG ah

MUQDISHO (Salaanmedia.com)_ Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay aruurinta saxiixyada mooshin lagu doonayo in lagu hor istaago wax ka bedel kale oo lagu sameeyo dastuurka KMG ah ee dalka, a Hawsha uu dabada ka riixayo Madaxweyne Xasan Sheekh MaxamuudTV-ga Universal Somali ayaa maanta oo Isniin ah u waramay.
Talaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu cirka isku sii shareeray khilaafkii ka dhashay isbadalka dastuuriga ah ee baarlamaanka uu ansixiyay sanadihii lasoo dhaafay, kaasoo muran xoogan uu ka taagnaa.
Mooshinkan ayaa sidoo kale caqabad ku ah qorshayaasha maamulada ee ah in baarlamaanka uu sii fadhiyo marka uu dhamaado kalfadhiga 7-aad, talaabadaas oo xildhibaanada kasoo horjeeda wax ka bedelka lagu sameeyay ay sheegeen in la doonayo in lagu sameeyo isbedelo dheeri ah oo dastuuri ah inkastoo ay isa soo tarayaan mucaaradka.




