Shirkadaha caalamiga ah ayaa ka digaya inay joojiyaan duulimaadyada Muqdisho cabsi laga qabo ammaanka garoonka

MUQDISHO Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Wararka ee Caasimada Online ayaa maanta oo Jimce ah sheegtay in tiro ka mid ah diyaaradaha caalamiga ah ee duullimaadyada ku taga caasimadda Soomaaliya ay walaac xooggan ka muujiyeen ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo deegaannada ku xeeran.
Shirkadaha Turkish Airlines, Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines ayaa la sheegay inay si rasmi ah ugu gudbiyeen walaacooda sii kordhaya ee Hay’adda Duulista Hawada Somalia (SCAA), iyagoo ka digay in xaaladaha amni ee sii xumaanaya ay saameyn ku yeelan karaan sii wadida howlahooda Muqdisho.
Shirkadaha Duulimaadyada ayaa muujiyay cabsida laga qabo in khatarta sii kordheysa ee ka jirta garoonka iyo nawaaxigiisa ay halis gelin karaan rakaabka, shaqaalaha iyo diyaaradaha. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxda sare ee hay’adda si faah faahsan looga dhageystay hanjabaadaha la dareemay intii ay socdeen wadahadallo lala yeeshay wakiilo ka socday saddexda shirkadood.
Si kastaba ha ahaatee, isla xogahaasi ayaa tilmaamaya in hay’adda duulista madaniga ah aanay weli qaadin tallaabooyin la taaban karo ama aanay ka bixin jawaab la taaban karo oo ay kaga jawaabto tabashooyinka la soo jeediyey.
Xiriirkooda, ayaa waxaa la sheegay in Shirkadaha Duulimaadyadu ay si cad u sheegeen in aysan sii socon karin duulimaadyada Muqdisho, haddii aan la xalin arrimaha ammaanka, iyagoo sheegay inay khatar ku tahay ammaanka shaqaalahooda, rakaabka iyo hantidooda.
Joojinta duullimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay yeelanaysaa cawaaqib ballaaran, taasoo saamaynaysa isu socodka dadka iyo badeecadaha, waxay dhaawacaysaa waaxda duulista rayidka ah ee dalka, waxayna wiiqaysaa sumcadda iyo xiriirka caalamiga ah.
Hay’adda duulista iyo hawada Soomaaliya ayaan si cad uga hadlin cabashada ay soo gudbiyeen shirkadaha diyaaradaha, walina wax jawaab ah kama soo bixin.




