Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u furan tahay wada hadal si looga baxo cakiran doorashada

MUQDISHO Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Talaado ah inay weli u furan tahay inay wadahadal la gasho madaxda mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, xilli ay dooneyso inay ka gudubto caqabado muddo dheer soo jiitamayay oo ku saabsan doorashada.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda, ayay dowladdu ku sheegtay inay ka xun tahay dhacdo ay Axaddii hawada dib ugu celisay diyaaradihii siday kooxaha hor-u-socodka ah ee Puntland iyo Jubaland – oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada maamul-goboleedka. Waxa ay sheegtay in dhacdadii, iyo dib u dhaca ku yimid wadahadaladii doorashada ee la qorsheeyay, ay tahay nasiib darro.

Dowladda Federaalka ayaa mar kale xaqiijisay in ay ka go’an tahay in khilaafka lagu dhameeyo dhinacyada siyaasadda wada hadal, iyadoo sheegtay in looga gol leeyahay in lagu gaaro natiijo ay raali ka yihiin dhammaan dhinacyada iyadoo la ilaalinayo midnimada iyo qaranimada dalka.

Related Articles

U dhaaf Halcelis

Negelka emaylkaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *