Soomaaliya

Soomaaliya: Dhammaan rakaabkii oo badqaba ka dib markii ay diyaarada dulmartay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Muqdisho

MUQDISHO () – Dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda oo tiradoodu ahayd 55 ayaa badqaba Talaadadii kadib markii diyaarad rakaab ah ay dulmartay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Fokker 50 oo ay maamulaysay shirkadda maxalli ah ee StarSky ayaa la sheegay in cilad farsamo ay soo wajahday waxyar kadib markii ay ka ambabaxday magaalada Muqdisho iyadoo ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo. Shaqaalihii diyaaradda ayaa codsaday in loo ogolaado in ay soo laabtaan, waxaana diyaaradda loo fasaxay in ay degto.

Markii ay diyaarada soo degtay ayaa argagax ayaa ku faafay diyaaradda, waxaana diyaaraddu ay ku guuldareysatay inay ku istaagto xadka ay diyaaraduhu ka duulaan. Waxa ay sii martay laamiga, waxa ay ka gudubtay meel dhagax ah oo ay ku soo degtay xeebta ka hooseysa madaarka.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana si nabad gelya ah loo daad gureeyay dhammaan dadkii la socday.

Related Articles

U dhaaf Halcelis

Negelka emaylkaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *