Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday fariisimo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi

MUQDISHO Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Soomaali ah ayaa duqeyn diyaarado Helicopter ah oo ay taageerayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn waxa ay ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jilib oo ah xarunta ugu weyn ee Al Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka ay ku bartilmaameedsadeen tuulada Hargeysa Yarey oo ku dhow degmada Jilib, halkaasi oo ay ku dileen 15 maleeshiyo ah, ayna ku dhaawaceen 8 kale. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in weerarka ay dhabar jab weyn ku tahay kooxda Daacish.
Al Shabaab ayaa warkaas ka duwan ka bixiyay. Kooxda ayaa sheegtay in iyaga oo adeegsanaya warbaahinta ay xiriirka la leeyihiin uu fashiliyay howlgalkii ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay wada jirka u fuliyeen. Waxa ay sheegtay in hal qof oo rayid ah uu ku dhintay rasaas toos ah, tiro kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan dad ay sheegtay in ay ku dhaawacmeen madaafiic aan loo meel dayin oo lagu garaacay magaalada Jilib.
Sheegashada labada dhinac si madax banaan looma xaqiijin karo, midna cadeymo ma bixin.
Duulaankan ayaa daba socday howlgal kale oo diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday maalmo ka hor magaalada Buula Fulay. Saraakiisha ayaa sheegay in maleeshiyada la dilay, halka Al Shabaab ay sheegeen in dagaalyahanadooda ay iska caabiyeen weerarka, ayna ku dhinteen dad rayid ah oo kaliya.
Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay kordheen howlgallada gaarka ah ee Mareykanka iyo duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in weerar dhanka cirka ah oo Mareykanka uu dhacay 10-kii bishii December lagu dilay khabiirkii dhanka qaraxyada iyo Injineerkii kooxdaas u qaabilsanaa dhanka qaraxyada, Cabdullaahi Cismaan.
Sheegashadaas si madax banaan looma xaqiijin. Isla ninkan ayay dowladda Federaalka horay u sheegtay in la dilay dhowr jeer, balse markii dambe uu dib ugu soo baxay liiska abaal-marinaha Mareykanka uu ku bixiyo shaqsiyaadka la raadinayo.




